Maxaa Laga Filan Karaa Booqashada Farmaajo Ee Turkiga?

Turkiga waxa uu gacan siiyay Soomaaliya waqti ay yareed taageerada shacabka Soomaaliya ay ka filan ka reen Dibadda ,maalmahaasi Soomaaliya waxa ay ku jirtay macluul ay dadku u dhimanayeen Gaajo Haraad iyo Cuduro .
Xukuumadda Turkiga ee Barigaasi uu Ra’iisul wasaare ka ahaa Rajab Dayib Erdogan ayaa qaadatay go’aan geesinimo ah xilla dunida ay ku tilmaamtay muqdisho Magaalada amni ahaan ugu xun uguna khatarta badan ,laakiin aragtidaasi waxaa meesha kas aaray oo tusay adduunka in Muqdisho lagu noolaan karo madaxda caalamkana ay booqan karaan.
19 kii bishii Ogosto 2011kii Maalin Jimca ah waxaa garoonka Aadan cadde ka soo dagay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Erdogaan Ra’iisul wasarihii waqtigaasi ee Turkiga taasi waxa ay rajo galisay Shacabka Soomaaliyeed tustayna caalamka in Muqdisho sida laga aamins an yahay aysan ahayn.
Turkiga waxa uu Soomaaliya ka fuliyay Mashaariic Muhiim ah kuwa kalana waa uu balan qaaday sida in 10 kun oo Guryo ah ka dhisayo soomaliya ,waxaa sidoo kale uu balan qaaday in saldhigg military uu ka furayo soomaaliya si dowladd soomaliya uu uga acan siiyo Taba barka ciidanka
Wisiirkii Hore ee difaca Soomaliya C/qaadir Sheikh Cali diini ayaa dhigay dhagaxa aas aaska Warshad sameeysa Dharka Ciidamada Miltaarka oo ay dowadda Turkiga maal galineeyso kaa oo laga furayo Muqdisho
Ma cadda u jeedada Xiddiga Siyaasadda Turkiga ee mar qura ka soo dhex iftiimay hawada Siyaasaad soomaaliya oo si lama filaan ah isugu baday saaxiibka ugu dhow soomaalia
Waxaa dhici karta in arintaasi ay ku timid si lama filaan ah ama ay ka dhalatay Xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya soomaliya iyo Turkiga ,laakin waxaan shaki ku jirin in kaalin wanaagsan oo wax ka badashay nolosha soomaalida uu turkiga ka qabtay dalka
Ankara waxa ay ugu deeqday Soomaliya 250 milyan maalmo ka dib markii Erdogan uu booqasho ku yimid Soomaliya taas oo ahayd taagero maaliyadeed oo bilow u ahayd gurmadka Turkiga ee soomaliya
Turkiga kaliya kuma ekeen Gurmadka iyo mashaariicda dibu dhiska ee waxa Ankara ay marti galisay shirkii wada hadalada Soomaaliland iyo dowladda soomali si ugu dambeeyn ay uga soo baxaan wax soomaalida ay ku wada mideeysan yihiin
Dugsiyo farsamo ayeey turkidu ka fureen Muqdisho si ay uga qeeyb qaataan taageerada Farsamo ee bulshada Soomaaliyed u baahan yihiin
Booqashada Hadda madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku tagay Turkiga ayaa la filayaa in dhiggiisa Dalkaasi Erdogaan ay isla soo qaadaan dhowr arimood ay ka mid tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah , saxiixa heshiisyo cusub iyo kuwo horay u rahmanaaa
Soomaliya waxa ay ka soo ka baneysaa dagaalo wajiyo badan ah oo muddo ragaadiyay sidaasi ayeeyna maanta ula jaan qaadeeysaa dunida inteeda kale oo ay ka amqneeyd dhowr iyo labaatan sano
W/D Aweys Xasan Maxamed (Codey)