Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee Gobalka Bay isaga oo sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan ammaanka deegaanada maamulkaas.
Madaxweyne Sharif ayaa safarkiisa waxa ku wehliyay qaar ka tirsan wasiirada iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed isagoo degmada kula hadlay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Diin-soon.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ammaamka degmada Diin-soon iyo deegaannada ku hareeraysan waxbadan laga qaban doono, isagoo tilmaamay in degmada iyo dhammaan deegaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ay ka bilaabi doonaan hawlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka goobahaas.




From the comments