Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.
Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel wanaagsan marayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo Guddiyada Difaaca & Amniga ee Baarlamaanka oo uu xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay, iyadoo baarlamaanku uu si furfuran ula xisaabtamay Xukuumada Qorshaha Amniga Qaranka. Falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla gartay in macluumaadka la wada wadaagay labada dhinac ay muhiim ahaayeen, laguna ballamay in waxii tallooyin ah la wada wadaago.
Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siiyaan raashinka ciidanka, mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah.





From the comments