Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dib loo dhigay doorashada madaxweyne ee maamulkaasi, taasi oo maalinta berri ah la filayey iney ka dhacdo degmadaasi.
Guddiga doorashada madaxweyne ee Galmudug ayaa goor dhow waxay sheegeen in doorashada dib loo dhigay illaa 3-da bisha May, waxaana ay dib u dhacday muddo Saddex cisho.
Musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug ayaa maanta khudbadahooda waxay kahor jeedinayaan xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.




From the comments