Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay heshiiska ay xukuumadda Washington ay la gashay waddanka Sacuudiga, isagoo tilmaamay in Sacuudiga uu heshiiskaas uu ka fiirsanayo danihiisa oo kaliya.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan si cadaalada uusan kula dhaqmin waddanka Maraykanka, isagoo hoosta ka xarriiqay in Maraykanku uu dhaqaalo farabadan uu ku bixiyo difaaca waddanka Sacuudiga.
Quburo u dhalatay waddanka Sacuudiga ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in xiriirka Labada dal uu soo wanaagsanaanayo ka dib markii uu Washington uu booqday dhaxal sugaha waddanka Sacuudiga Maxamed Bin Suleymaan uuna la kulmay madaxweyne Donald Trump.




From the comments