Ururka Daacish ayaa waxa uu dilay ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Syria kadib markii ay weerar ku qaadeen koofurta magaalada Xalab.
Dhanka ciidamada dowladda Syria ayaa waxay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii ay ku soo qaadeen Daacish waxayna sidoo kale sheegeen inay dileen 17 ka tirsan Daacish.
Ciidamada dowladda Syria ayaa waxay doonayaan inay gacanta ku dhigaan goobaha ay ka taliyaan ururka Daacish waxaana ka mida meelaha ay maamulaan galbeedk magaalada DeyriZuur.




From the comments