Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan ayaa xukunno kala duwan ku riddey Saddex dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay iney geysteen falal burcadnimo ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
C/casiis Cabdulle Xasan, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan oo ku dhowaaqay xukunka dhallinyaradan ayaa sheegay in ay dhac ku hayeen dadka safarka ah ee kusoo wajahan B/weyne.
Ragga la xukumay ayaa mid kamid ah wuxuu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, halka Labada kalena ay ahaayeen Shacab, waxaana magacyadooda kala yihiin.




From the comments