Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maalintii Saddexaad ka da’aya roobka xilliga Gu’a, iyadoo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.
Roobka ayaa biyo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada, waxaana la arkayaa dad badan oo ku damaashaadaya roobkan.
Baydhabo bilihii ugu dambeeyay waxaa ka jirtay biyo la’aan baahsan, haba ugu darnaateen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaaladaasi.





From the comments