Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amray ciidamada maamulkaasi ee ku sugan magaalada Gaalkacyo iney sugaan amniga waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maalmahan dambe falalka amni darri kusoo kordhayeen.
Gaas oo la kulmay saraakiisha ciidamada amaanka ee gobolka Mudug ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin amni xumida kusoo korortay magaalada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in saraakiisha laga doonayo iney la yimaadaan qorsheyaal amniga wax looga qabanayo.
Wuxuu tilmaamay Gaas in dadka wax galka u ah bulshada maalin walbo lagu bartilmaameedsado Gaalkayo, sidaasi darteedna ciidanka ammaanka looga baahan yahay iney howlgallo bilaabaan.




From the comments