Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.




From the comments