Goobjoog

Siilaanyo Oo Xilliga Kala-guurka Maamulkiisa Uga Digay Musuqa Iyo Boobka Hantida Qaranka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Maxamed Maxamud Siilaanyo oo xafiiskiisa kula hadlayey hey’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqa, hanti-dhowrka guud iyo xeer-ilaaliyaha ayaa ka digay in xilliga kala guurka lagu kaco…

Siilaanyo Oo Xilliga Kala-guurka Maamulkiisa Uga Digay Musuqa Iyo Boobka Hantida Qaranka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Maxamed Maxamud Siilaanyo oo xafiiskiisa kula hadlayey hey’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqa, hanti-dhowrka guud iyo xeer-ilaaliyaha ayaa ka digay in xilliga kala guurka lagu kaco arrimo ay ka mid yihiin boobka hantida qaranka.

Siilaanyo waxaa uu mas’uuliyiintaasi ku adkeeyay in ay si joogta ah u soo gudbiyaan warbixinno la xiriira heerka Musuqa ee maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka Somaliland waxaa uu ugu dambeyntii ballan-qaaday in uu ciqaabi doono, sharcigana la hor-geyn doono ciddii lagu helo musuq iyo wax isadaba mareyn.

Maamulka Somaliland ayaa galaya doorashooyin guud, waxaana lagu wadaa in axsaabta ay ku mashquulaan arrimaha dooarshada.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments