Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Macalin Cilmi ayaa ka dalbaday dadka loo shaqeeyo inay ilaaliyaan xuquuqda ay leeyihiin dadka shaqaalaha ah.
Ugu horeyn agaasimaha ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasto oo ay aduunka ka joogaan maadaama ay maanta ay ku beegantahay maalin shaqaalaha dunida .
“Ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaca guddiga qaban-qaabada, waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha dunida u dirayaa dhammaan shaqaalo weynaha Soomaaliyeed kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa hay’adaha gaarka ah u shaqeeya”.




From the comments