Shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka waddanka Masar ayaa lagu dilay magaalada Qaahira ee caasimadda waddankaasi, ka dib markii kooxo hubaysan ay askartaas weerareen sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar.
Kooxahaan ayaa waxay weerareen bar contarool oo ciidamada ay ku sugnaayeen waxaana dhimatay shan askari, halka shan kalana uu soo gaaray dhaawac.
Weerarka oo ka dhacay gudaha Qaahira, waxaa fulisay koox wadatay labo gaari, mas’uuliyadda weerarkan cidana masheegay balse waxaa la aamisanyahay in weerarada ceynkaan oo kale ah ay geestaan ururka Daacishi.




From the comments