Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow rag ku hubeysan Bistoolado ay xaafadda Xaawo Taako ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Askariga la dilay oo ku sugnaa meel laami ah ayaa la sheegay in dhor xabad ay ku dhufteen raggii hubeysnaa, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.
Goobta waxaa gaaray ciidamada ammaanka oo wada howlgallo lagu baacsanayo raggii falkaasi ka dambeeyay.




From the comments