Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta: Wuxuu ka soo jeedaa Garoowe Nugaal, Master ayuu ka qaatay culuumta saxaafadda jaamacad ku taalla jamhuuriyada Czech Republic. Waxa uu noqday mulkiilaha idaacadda Halgan oo ku taalla Ohio kana waranta arrimaha bulshada /Community Radio.
Mr. Juxa waxaa uu noqday wasiirka waxbarashada Puntland 5 sanno oo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole xilka hayey . waxaanu mudadaasi suurogeliyey midaynta imtixaanaadka dugsiyada Puntland iyo midaynta manhajka waxbarasho.
Hay’adda UNOPS ayuu kala shaqeeyey arrimaha siyaasadda Puntland ka hor inta aan loo bixin magaca UNSOM, isaga oo hey’adda ka ahaa xiriiriyaha waxbarashada Soomaaliya iyo midawga Yurub




From the comments