Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iney kala shaqeeyaan amniga guud ee magaaladaasi.
Gaas ayaa sheegay in ay doonayaan in Galmudug ay kula noolaadaan nabad, deris wanaag, lagana wada shaqeeyo horumarka, ugu baaqay maamulka Gaalkacyo ee Puntland iney xiriir la sameeyaan dhiggooda Galmudug, kana wada hadlaan aayaha Labada dhinac.
“Gaalkacyo meel bay ku taallaa, dad deris ah baan leenahay, nabad ayaan rabnaa inaan kula noolaanno walaalaheenna, waxaan u sheegeynaa inaan rabno nabad deris wanaag iyo horumar, waxaa loo baahan yahay in iyaga laftigooda loo yeero, wada hadashaan, tanaasulaad la isku sameeyo, magaaladan iyo gobolkaan waxaan ku wada deganaan karnaa inaan nabadgalyo iyo horumar ka shaqeynno” ayuu Yiri Gaas.




From the comments