Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa kulankii uu shalay la qaatay ra’isul wasaare Xasan Khayre ku sheegay in Jarmalka ay bixinayaan 70mn euros ($76mn), isla markaana ay diyaar u yihiin in ay laba-jibaaraan.
Wasiir Jarmalka Sigmar ayaa sidoo kale ka hadlay in abaarta Soomaaliya ka jirto ay qarka u saaram tahay musiibo, waxaa uu dalbaday in laga soo gaaro.
Dalka Jarmalka waxaa uu Soomaaliya ka taageeraa arrimaha ammaanka, banii’aadnimada iyo arrimaha la xiriira xiriirka caalamiga ah.




From the comments