Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulka K/galbeed ayaa sheegtay iney bilowday qeybinta abuurka dalagyada qaar, si dadku ay dib ugu tabcadaan beerahooda.
Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qeybinta abuurka uu ka bilowday gobolka Shabellaha Hoose, sidoo kalena ay gacan siin doonaan beeraleya.
“Waxaan idiin cadeynayaa in hadda abuur bixin ay socoto, ayna ka socoto saacadaan K/galbeed, gaar ahaan Sh/hoose, sidoo kalena waxaan wadnaa dedaal beeraleyda lagu siinayo waxyaabihii ay cuni lahaayeen mudada beeraha ay soo baxayaan” ayuu yiri wasiirka.




From the comments