Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa ka da’ay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyo deegaanno kale oo ku dhow degmadaasi.
Roobka oo socday in ka badan 48 saac ayaa lagu soo waramayaa inuu biyo dhigay meello badan oo magaalada ah, sidoo kalena waxay biyo galeen warihii ku yaalla deegaannada ku dhow degmadaasi.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay iney aad ugu farxeen nimcaddaasi kadib markii muddo badan oo ay oo manaayeen ay heleen roob.




From the comments