Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa soo gaabinaya safarkii uu ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu isla maanta dib ugu soo laaban doono dalka si uu uga qeybgalo aaska wasiir Cabaasi Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
“Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in madaxweynaha oo dalka ka maqan go’aasaday inuu soo yareeyo safarkiisa kana qeybgalo aaska wasiirka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.




From the comments