Madaxweynihii Hore Ee Dalka Mauritania Oo Geeriyooday
Sheeko:Dalka

Waxaa geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Mauritania Cali Walad Maxamed oo ahaa 64 sano jira, madaxweynaha ayaa isataagay wadnaha ka dibna sidaasi ayuu ku dhnitay sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi.
Madaxda ugu sarreyso dalka ayaa waxay ku dhawaaqeen baroor diiq Saddex maalin ah taasi oo ka bilaabanayso maanta .
Madaxweyne Cali Walad Maxamed ayaa xilka la wareegay sanadkii 2005-tii kadib markii la afgambiyay madaxweynihii xilka hayay markaa oo lagu magaaci jiray Mucaawiye .
Madaxweyne Walad Maxamed ayaa waddanka Mauritania waxa uu xukumayay muddo dhan Labo sano, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Muritaani ah oo xilka si nabadgalyo ah ku wareejiyo.