Hogaamiyaha ururka Xammaas Khaalid Mishcal ayaa sheegay in ra’iisulwasaarihii hore ee Falastiin Ismaaciil Haniya uu ku guulestay inuu noqdo madaxa xafiiska arrimaha siyaasadda ka dib doorasho dhowaan ka dhacday dalka Falastiin.
Ismaaciil Haniya oo ah 54 sano jir ayaa waxaa la tartamay Muuse Abuu Marzuuq oo horay u ahaa ku xigeenka xafiiska arrimaha siyaasadda .
Ismaaciil Haniya ayaa waxaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Dooxa ee caasimadda waddanka Qatar halkaasi oo uu kaga qeybgali doono doorashada.




From the comments