Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xoriyadooda dib u siisay 11 eedeysane oo mudo xirnaa.
Maxaabiistan ayaa lagu eedeyey in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab ayaa 9 kamid ah waxay ku dhasheen magaalooyinka Muqdisho iyo Jowshar, halka 2-da kale ay ku dhasheen Boosaaso iyo Luuq oo Gedo ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Puntaland C/fitaax Xaaji Aadan ayaa halkasi kaga dhawaqay in 11-ka eedaysane lagu waayay wax dambi ah sidaasana ay ku fasaxeen.




From the comments