Ciidamo gadoodsan kana tirsanaa Nabad sugidda ayaa maanta waxa ay is hortaag ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo safar shaqo usoo aadi lahaa magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa diidey in madaxweyne ku xigeenka uu Muqdisho soo aado, waxaana ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo haysatay.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamadan ay la wareegeen madaxtooyada Galmudug, iyadoo arrintaan aysan ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.




From the comments