Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka K/galbeed ayaa sheegtay in dhowaan ay 5 degmo oo kamid ah deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ka hirgelin doonaan doorasho qof iyo cod ah.
Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Ibraahim Aadam ayaa sheegay in baarlamaanka maamulkaasi laga doonayo in uu meel mariyo in degmooyinka kala ah Baraawe, Baydhabo, Bardaale, Xudur iyo Ceelbarde aan wasaaraddiisa u magacaabi karin maamul, shacabkana ay iyaga soo dooran doonaan cidda ay doonayaan.
Wuxuu tilmaamay wasiirka in markaan la joogo waqtigii shacabka fursad loo siin lahaa iney soo doortaan cidda ay rabaan, bedalkii cid aysan ku qanacsaneen loo soo magacaabi lahaa.




From the comments