Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho ku soo gabogabeeyey Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka oo muddo 3 cisho ah socday 6da May ilaa 8da May 2017.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo shirgudoominayey Shirka Wadatashiga ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, madaxda ururada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Wasaaradaha kale ee Dowladda Federaalka waxaa iyagana laga sugayaa inay sidan oo kale xiriir iyo wadashaqeyn fiican ay la yeeshaan wasaarada dhigooda ah si dalka loo mideeyo oo nidaamka Federaalka iyo Dowlad-wanaaga dalka lagu baahiyo.”





From the comments