Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in uu dhaqangalay ammar dhowaan ay kusoo rogeen ganacsatada gobolkaasi, kaa oo ku aadanaa in magaalada aan lasoo gelin lacago been abuur ah oo uga imaanayey deegaannada Puntland iyo sidoo kale deegaanno kale oo dalka ah.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda wax walbo sidii loo rabay ay yihiin, ganacsatadana ay maqleen ammarkii maamulka.
“Howlaha sidii caadiga ahaa bay ku socdaan, ammarkii aan soo rognay waa ay qaateen ganacsatada, dhaq dhaqaaq walbo waa lala socdaa, wax eylo ah oo bulshada dhexdeeda ka taagan malah, sarifka waa sidiisii hore” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.




From the comments