Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo galabta ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyey Afar qof ayaa ku geeriyootey qaraxan, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Wararku waxay sheegayaan in gaarigan uu ku qarxay kasoo horjeedka maqaayadda Coffe Italia oo ku show gurigii shaqaalaha, wadad Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.





From the comments