Wasiir ku xigeenka wasaaradda kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Goobjoog News u sheegay in xukuumadda fedaraalka ah ay shatiyo siin doonto maraakiibta iyo doomaha doonaya in ay si sharci ah uga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale intaa raaciyay in maraakiibta iyo doomaha shisheeye ee sida sharci darrada ah uga jilaabta xeebaha Soomaaliya ay la tiigsan doonaan cadaaladda.
“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan heshiis ka gaarnay sidii aan leesinka u bixin laheyn, inaan iibsano kalluunkeenna maadaama kalluunkeena si sharci darro ah lagu qaadanayay muddo sanooyin ah, illaa iyo haddana si sharci darro ah lagu qaato, waxaan rabnaa iyadoo sharuucda caalamiga ah la isticmaalayo iyo sharuucda Soomaaliya la raacayo shati inaan bixinno” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.




From the comments