Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku amray ciidamada dowladda hoose ee degmadaasi in aysan wax canshiir ah qaadi karin laga bilaabo maanta oo Talaado ah.
C/naasir Caalin, guddoomiyaha degmada Afgooye oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in sababta ay u joojiyeen qaadista canshuurta ay tahay kadib markii uu batay musuqa la xiriira dhanka Canshuurta.
Wuxuu tilmaamay in askarigii la arko isaga oo canshuur qaadaya tallaab adag ay ka qaadi doonaan, maamulkoodana uu dib ka shaacin doono xilliga la qaadayo canshuurta.




From the comments