Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu gaadiidka AMISOM kaga mamnuucay iney maraan inta badan wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Gaadiidka AMISOM ayaa laga mamnuucay iney maraan inta u dhaxeysa Taalada Sayidka illaa Isgoyska Banaadir laga bilaabo 6-da subaxnimo illaa iyo 12-ka habeennimo.
Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay kadib markii ay soo bateen shilalka ay geystaan ciidamada AMISOM, iyadoo arrintani lagu wargeliyey laamaha amniga ee dowladda.




From the comments