Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ayaa u duulay magaalada London halkaas uu lagu wado in uu shir uga furmo Soomaalida 11-ka bishan.
London waxaa horay u sii joogay madax ka tirsan maamul goboleedyada iyo Lataliyaha madaxweynaha Cabdi Ceyte oo sii diyaariayey soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Shirka London oo ay ka soo qeyb-galayaan dalal badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa looga hadlaa arrimo badan oo siyaasadda, amniga iyo heshiiska cusub ee beesha caalamka ee la xiriira 2020.




From the comments