Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyoodey guddoomiye ku xigeenkii dhanka arrimaha bulshada gobolka Mudug ee Galmudug, Maxamed Cali Ruush.
Cabdirashiid Xaashi Cartan oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida ku xigeenkiisa, isaga oo sheegay inuu xanuunsanayey.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha in marxuumka dhintay uu muddooyinkii ugu dambeeyay aad u xanuunsanayey, islamarkaana uu ahaa shaqsi waxbadan ka qabtay gobolka Mudug.




From the comments