Shirka London: Midowga Yurub Oo €200 Oo Million Siin Doona Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka midowga Yurub Federica Mogherini ayaa shirka London ka sheegtay in midowga Yurub ay siin doonaan Soomaaliya illaa €200 Million.
” Mustaqbalka Soomaaliya waa u muhiim Yurub, €200 million ee aan maanta bixineyno waa mid lagu taageerayo dhaqaalaha, nabad-galyada iyo xasiloonida” sidaasi waxaa shirkaasi ka sheegtay Federica Mogherini.
“Nabadda Soomaaliya waxaan ku taageernaa illaa 3 howgal ee hadda socda iyo AMISOM, waxaa aynu dooneynaa in Soomaaliya istaagto, arrintaas oo aan si dhab ah wax uga qabaneyno” ayey intaasi raacisay.
Neven Mimica, oo midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda waxaa uu ka hadlay isna taageerada Yurub ee Soomaaliya.
” Lacagta maanta aan bixiney ee €200 million ah waa lacag cusub, oo ka duwan lacagihii aan horay u ballan-qaadnay, waa mid wax looga qabanaayo arrimaha nabad-galyada, abuurista fursado dhaqaale iyo dhismaha hey’adaha dastuuriga ah”
Midowga Yurub waxaa ay sheegeen in horay abaaraha iyo howlaha banii’aadnimo ee Soomaaliya ugu yabooheen €460 taasi oo wax badan ka qaban doonaan.
Lacagta Midowga Yurub ugu talo-galneen in ay Soomaaliya siiyay sanadaha 2015-2020 waa €3.4 billion, Lacagtaas waxaa loo isticmaalay ama loo rabaa in lagu bixiyo arrimaha banii’aadnimada, hor-u-marka iyo nabad ilaalinta.
Goobjoog News