Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara ayaa sheegay in amni darada dalka ka jirta ay qeyb ka tahay qaabka loo maro qorista ciidanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Mr. Cawad oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dib loogu laabto wadada loo maro hab qorista Ciidanka si looga dhabeeyo sugidda ammaan ee Caasimadda iyo Goblada dalka.
“Lagama filayo in xaslinta Amniga dalka qeyb uu ka qaato askari aan baran sharciga iyo wadaninimada intaba, waxaa kale oo aan wanaagsaneyn qaabka loo maro qaadashada ciidanka, waxaa laga rabaa Dowladda iney xaqiijiso shaqsiga askari ahaanta loo qoraayo’’ Cashara.




From the comments