Dowladda Uganda ayaa sheegtay iney xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, islamarkaana Soomaaliya ay ka caawin doonaan amniga iyo iney dib cagaheeda isku soo taagto.
Madaxweynaha dalkaasi Yuwer Musseveni ayaa sheegay in Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee haysata tahay Al-shabaab, una baahan tahay dowladda Soomaaliya in laga caawiyo arrintaasi.
Madaxda Soomaaliya ayuu sheegay Mr. Musseveni in xilligaan laga doonayo iney iyaguna ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa ciidamo adag oo hanta amnia iyo kala dambeynta dalka.




From the comments