Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in shaqo abuur ay u sameyn doonaan guud ahaan dhallinyarada ku dhaqan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada, Cayaaraha iyo dhaqancelinta ee Hirshabelle C/qani Cabdulle Hiwlowlw ayaa u sheegay Goobjoog News iney wadaan qorsheyaal ay shaqo ugu abuurayaan dhallinyarada sidoo kalena ay ku wacyigelin doonaan.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ku dedaali doonto sidii ay ku yareen lahayd tahriibka dhallinyarada iyo sidoo kale niyad jabka shaqo la’aaneed ee haysta dhallinyarada.




From the comments