Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool uu ka furmo shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo beello walaalo ah oo ku dagaallamay gobolkaasi.
Saddexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa magaalada Laascaanood gaareyey waxgaradka Beelahan, waxaana shirkaan maanta ka qeybgeli doona wasiiro ka tirsan Somaliland oo dhex dhexaadinta qeyb ka ah.
Wariyaheen Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in markaan la doonayo in lasoo afjaro colaaddii ka dhaxeysay beelahan, maadaama muddo Sanad ah ay beelahani dagaallamayeen.




From the comments