Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan, kaasi oo ku eedeysnaa inuu waday gaarigii 27, November 2016 ku qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
C/qaadir ayaa lagu toogtay xarunta tababarka ee ciidanka Booliiska Jeneraal Kaahiya, waxaana halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiil ciidan, isaga oo horey maxkamaddu dil toogasho ah ugu xukuntay.
Qaraxii ka dhacay suuqa Beerta ee degmada Waaberi waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo shacab ah una badan dad halkaasi ka dukaameysanayey, shacab wadada marayey iyo sidoo kale ganacsato.




From the comments