Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta jeediyey Khudbad ku aadan 18-ka May oo ah maalin uu maamulkaasi u asteeyay iney ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa ku baaqay in Soomaaliya aan laga qaadin xayiraadda hubka ee saran.
Siilaanyo ayaa sheegay in haddii Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ay imaan karto dhibaato cusub oo Geeska Afrika ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Maanta umadda Soomaaliyeed waa ay kala tagtay weyna kala tashatay, haddii Soomaaliya cunoqabateynta laga qaado waa hubaal iney tallaabadaasi u horseedi doonto mandiqadda geeska Afrika xasilooni darro iyo xurguf hor leh oo abuura xiisado colaadeed, waxaan ka digeyaa in qowmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo waxyaabo keenaya cawaaqib xumo aan laga soo kaban” Silaanyo ayaa yiri.




From the comments