Ugu yaraan 60 askari ayaa ku dhimatay iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda Liibiya oo uu caalamka aqoonsanyahay iyo maleyshiyaad aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda, weerarkaan ayaa waxa uu ka dhacay saldhigga cirka eek u yaallo xeebta ee waqooyiga dalkaasi.
Ciidamada la dilay ayaa dhammaatood waxay ahaayeen ciidamo ka madax bannaan Milatariga dalkaasi oo ay aqoonsantahay beesha caalamka.
Dhanka kale wasiirkii gaashaadhigga ee Liibiya ayaa laga joojiyay shaqadii si loo baaro weerarka ka dhacay saldhigga Brak- Alshaati kaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 60 qof.




From the comments