Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal amniga lagu xaqiijinayey ka sameeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.
Guddoomiyaha degaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in ciidamada ay soo qabteen dad badan oo amni darro looga shakiyey balse markii ay baareen kadib ay sii daayeen.
Ma aanu sheegin guddoomiyaha tirada dadka lagu qabtay howlgalkaan, balse wuxuu hoosta ka xarriiqay in howlgalkaan uu daba socdo howlgallo maalmahan dambe ay ciidamada dowladda ka wadeen deegaankaasi.




From the comments