Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in dalka uu ka bilowdo imtixaanka midaysan ee dugsiyasada sare, kaas oo ka qabsoomaya dhamaan dowlad goboleedyada dalka, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo si gaar ah ah u qabsanaya imtixaankooda.
Imtixaankan ayaa la filayaa iney u fariistaan illaa 23,000 arday, waxaana ka howgalaya in ka badan 2 kun oo howlwadeenno iskugu jira saraakiil, kormeerayaal iyo shaqaalaha ammaanka loogu talo galay.
Sannadkii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa dalka ka qabsoomaya imtixaan mideysan oo ay ka qeybgalayaan inta badan gobollada dalka.




From the comments