Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya caawiya, waxaana kulanka ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ku-Xigeenkiisa Labaad Mudane Cabdalla Cawad. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah lataliyayaasha Wasaaradda.
Mudane Cabdi Xoosh ayaa shir uu la yeeshay masuuliyiin kamid ah Beesha Caalamka oo ka kala socday wadamo iyo hay’ada Soomaaliya garabsiiya u sharxay Qorshaha Guud ee Wasaaradda ay diyaarisay ee ku saabsan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo socon doona labada sanno ee soo socota.
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha ay Wasaaradda diyaarisay waxa ayna bogaadiyeen hogaanka cusub ee Wasaaradda oo uu ugu sareeyo Wasiirka oo si ay xirfadi ku jirto ku dardargelinaya hawlaha Wasaaradda.





From the comments