Madaxweynihii hore ee Iran Xasan Ruuxaani ayaa mar Labaad ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Iran Cabdi Ridaa ayaa sheegay in Xasan Ruuxaani uu ku guuleystay codad dhan 23.5 Milyan oo u dhiganta boqolkiiba 50%, halka uu helay ninka la tartamayay codad dhan 15.7 Milyan oo u dhiganta boqolkiiba 38.5%.
Tirada cod bixiyaasha ayaa waxay gaarayeen 41.2 milyan taasi oo ah codad aad u farabadan oo aan la fileyn.




From the comments