Qarax Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Ingiriiska
Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 50 kale weerar lagu qaaday goob ay ka dhaceysay xaflad oo ku taallo magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.
Ilaa iyo hadda macada sababta ka dambeysay qaraxaan iyo cidda fulisay balse ciidamada booliska ee la dagaalanka argigixisada eek u sugan magaalada Manchester ayaa waxay sheegeen in weerarkaan uu yahay mid argagixiso.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray mas’uuliyiin ka socoda dowladda Ingiriiska oo uu ugu horreeyaan saraakiisha la dagaalanka argagixisada.
Dadka ay dhaawacyada soo gaareen ayaa waxaa loola caray Isbitaallada waaweyn ee ku yaallo magaalada si ay u helaan daaweyn.
Goobjoog News