Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo manta saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay dagaallo habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Shabellaha Hoose, una dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka oo garabsanaya dad shacab ah iyo sidoo kale Al-shabaab.
Shariif Xasan ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin dagaalladaasi oo uu sheegay in Al-shabaab ay ku doonayaan iney ku gumaadaan dadka shacabka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu Shariif Xasan Sheegay in hadda loo baahan yahay in si mid ah loola dagaallamo Al-shabaabka ku sugan Shabellaha Hoose, islamarkaana si awood ah looga saaro gobolkaasi.




From the comments