Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamo ka tirsan Somaliland iyo dhallinyaro hubeysan oo deegaanka ah.
Dhallinyaradan ayaa is abaabul ka wada xaafadaha Laascaanood, iyaga oo qaab qabiil isku diyaarinaya waxaana ay ka carreysan yihiin sida la sheegay dhallinyaro deegaanka ah oo ciidamada Somaliland ku xireen saldhigga Laascaanood.
Goob jooge ayaa inoo sheegay in dhallinyarada la xiray lagu eedeeyay falal amniga ka dhan ah, waxayna taasi keentay in dhallintii kale ee deegaanka ay hub uruursi bilaabaan, iyaga oo arrinkaasi kazoo horjeeda.




From the comments