War kasoo baxay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay iney iyaga ka dambeeyeen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Kooxda ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen dagaalyahanno iyaga ka tirsan oo ku sugan gobolka Bari, islamarkaana lagu dilay ciidamo ka tirsan Puntland.
Weerarkaan ismiidaaminta ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay bar koontarool oo ay ciidanka Puntland ku baaraan gaadiidka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.




From the comments