Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa iska fogeysay eedeymo ay u soo jeedisay dowladda Suudaan taasi oo ku aadan in Masar ay taageerto kooxaha fallaagada ee ka dagaalanta gobolka Daafuur.
Axmed Abuu Zeyd oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay in dowladda Masar ay ixtiraamto qarannimada iyo dhulka Suudaan isaga oo intaasi ku daray in Masar dhowreyso qawaaniinta caalamiga ah aysana ku xadgudbin deriskeeda.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa shalay sheegay in ciidamada Suudaan ay gubeen baabuur dagaal oo ay laheyd dowladda Masar kuwaas oo ay wateen fallaagada ka dagaalanta gobolka Daafuur.




From the comments